Saturday, November 25, 2017

Google goorma ayay dhalatay?


Bishan aan ku jrno ee Sebteembar waxay ku astaysantahay 19 Guurada kasoo wareegtay dhalashadii Sharikadda aadka caanka uga dhex ah internetka ee Google. Waxay ahayd 1998dii markii mashruuc cilmibaaris ah oo lagu sameeyay jaamacadda Stanford uu noqday Mashiin xogta laga raadsado, iyadoo markii dambe uu Mashruucaasi sii ballaartay oo u noqday ganacsi aad u wayn oo lagu qiimeeyo Balaayiin doolar. Laakiin waxaa jira wareer yar oo ku aaddan dhalashada saxda ah ee sharikadda.
Waqtiyo lasoo dhaafay ayay sharikadda Google u dabaal degtay maalinta taariikhiga ah ee ku astaysan dhalashadeeda taariikhyo kala duwan sida 7da, 8da , 4ta iyo sidoo kale 27ka Bisha Sebteembar. http://www.google.com/doodles/googles-15th-birthday
Waxaa jirta xan ah in labada seynisyahan ee lagu kala magacaabo Larry Page iyo Sergey Brin oo labaduba ah aasaaseyaashii Google in ay sharikadda doonayeen in ay u diiwaan galiyaan si wada jir ah oo ay uwada lahaadaan 4tii Sebteembar 1998dii laakiin taasi ma aysan dhicin oo waxay diiwaan galiyeen saddex maalin kadib. Sidoo kale Magaca domain-ka Google ayaa la sheegaa in markii ugu horreyday la diiwaan galiyay 15kii Sebtember ee isla sanadkaasi..
Si kastaba google ayaa hadda u dabaaldagta dhalashadeeda 27ka Sebteembar. Waxayna sharikadda sheegtay in ay badaleen oo ay saxeen taariikhda dhalashadooda ay u dabaaldegaan si ay u helaan dareenka warbaahinta Kadib tartankii adkaa ee kala dhexeeyay sharikadda Yahoo!.
Aasaaskii sharikadda google ayaa bilowgeedii waxaa xarun u ahayd garaash kiro ah. Hadda Google waa 19jir. Waxay soo martay sharikadda marxalado kala duwan iyadoo dhowr jeer la casriyeeyay astaanta sharikadda. Milkiileyaasha sharkidda ayaa dadaal dheer kadib waxay Google gaarsiiyeen inay noqoto mid kamid ah sharikadaha dunida ugu waaweyn, waxayna awood u leedahay dhaqaale ahaan inay iibsato sharikado kale.
Waxaa is xasuusin mudan maanta Google in aysan ahayn kaliya Search Engine oo ay leedahay ama bixiso adeegyo kale oo fara badan.
Haddii aad halkan soo gaartay waad ku mahadsantahay Akhrinta qormadan. Wixii talo, tusaale ama fikir ah waad ku dari kartaa adigoo nagula wadaagaya qeybta ra’yiga.

SHARE THIS

Author:

Abdiaziz Ali is a young and challanging web, graphics and logo designer. And Author of some somali tech blogs.

0 comments:

Halkan ku qor ra'yigaada