Saturday, November 25, 2017

10 Sawir oo adigoo qaawan ah Madax furasho ma ugu badalan lahayd xogta Computerkaada hadii lagaa xannibo


Bilowgii sanadkan ayay ahayd markii uu dunida ku faafay viruska lagu magacaabo Wannacry Ransomware, kaasi oo Qatar badan ay kala kulmeen sharikado iyo dad badan.
Viruska Ransomware waa nuuc kamid ah virusyada gala Kombiyuutarrada laakiin wax badan uga duwan nuucyadii hore. Haddii viruska Ransomware uu galo kombiyuutarkaada waxa uu kaa xirayaa dhamaan xogta ku jirta kombiyuutarkaada nuuc waliba ha ahaato isagoo ka dhigaya mid Encrypted ah (Qufulan/xiran). Encryptyptionka waa hab lagu xiro ama lagu ilaashado amaanka macluumaadka iyadoo la xirayo qofna uusan furan Karin ilaa laga siiyo furaha qaaska ah ee loo sameeyay si loogu furto.
Intaa kadib waxa markii uu viruska Ransomware ee laguugu soo weeraray galo kombiyuutarkaada waxaa dhacaysa in aad isticmaali weyso kombiyuutarkaada oo wax waliba waxa ay noqonayaan kuwo xiran, waxaa farriin laguugusoo bandhigayaa shaashada, farriintaasoo ah in aad iska bixiso lacag madax furasho ah si laguu siiyo furihii aad ku furan lahayd xogtaada, lacagtaasi waxaad u diraysaa qofka ama qolada samaysatay viruskan, adigoo isticmaalaya adeega lacagta internetka ee loo yaqaano Bitcoin. Marka la isticmaalayo adeegan lacagta internetka ee Bitcoin lama ogaan karo faahfaahinta qofka loo dirayo sida magaciisa iyo meesha uu joogo waana sababta ay u dalbadaan burcaddaasi in lacagaha madax furashada ahi loogu diro Bitcoin.
Khamiistii aynu soo dhaafnay ayaa cilmibaareyaal lagu magacaabo MalwareHunterTeam Soo heleen virus cusub oo lagu magacaabo nRnsomware. Visruskan cusub ayaa kaga duwan Ransomwareka caadiga ah qaabka madax furashada. Hadii aad dhibbane u noqoto viruskan nRansamoware madax furashadiisu waxa ay tahay inaad u dirto burcadda samaysatay 10 sawir oo adigoo qaawan ah, halka Ransomwareka caadiga ah uu ahaa inaad lacag madax furasho ah ku dirto Bitcoin.
Farriinta shaashada laguugu soo daabacayo ayaa ah mid lagaaga dalbanayo in aad koonto ka samaysato “protonmail dot com” kadibna aad 10 sawir oo adigoo qaawan u ku dirto emailka “1_kill_yourself_1 at protonmail dot com”, marka aad dirto sawirrada kadib waxaa la xaqiijin doonaa sawirrada aad dirtay inaad adiga tahay iyo in kale, haddii aad adiga tahay sawirrada 10ka ah ee adigoo qaawan aad dirtay waxaa laguu soo dirayaa furaha aad ku furan lahayd kmbiyuutarkaada ama xogtaada virusku saameey. Sidoo kale farriinta shaashada laguugu soo bandhigayo waxaa kamid ah sawirrada aad dirtay in lagu iibin dono internetka dhexdiisa.
Viruskan ayaa kuugu soo gudbi kara xog ama software aad kasoo degsatay torrentska oo badanaa ah halka faaylasha ay dadku ka degsadaan loogu dhex qariyo virusyada, sidoo kale wuxuu kuugusoo gudbi karaa inaad kombiyuutarkaada ku shubto software la jabiyay oo aadan lacag ka bixinin taasoo badanaa websiteyada sofweerrada la jabiyay lagasoo dagsado ay la socdaan ama ku dhex qarsanyihiin virusyo.
Xusuusnow muhiim ma aha oo waad ka maarantaa in aad madax furasho lacageed bixiso hadii uu ku saameeyo viruska Ransomware ama nRansomware oo isna madax furasho ugu baahda 10 sawir oo adigoo qaawan ah. Sababtoo ahi hadii xog muhiim ah aanad ka maarmin ay kuugu jirin kombiyuutarkaada ama aad backup ka haysato waad iska format gareyn kartaa.
Farqiga u dhexeeya labadan visus marka lagasoo tago madax furashada ayaa ah in Ransomware loo isticmaalo dadka caadiga ah ee shaqsiyaadka kombiyuutaradooda iyo systemyada sharikadaha iyo hay’adaha waaweyn sidaasna dhaqaale looga qaato, laakiin nRansomware waxa loogu talo galay in shaqsiyaadka kombuutarradooda lagu weeraro.
Ugu dambayn waxaad viruskan isaga ilaalin kartaa in aad ka digtoonaato websiteyada iyo torrentska aad wax kasoo degsato mar walibana waa muhiim inaad isticmaasho anti virus haddii aad tahay qof kombiyuutarkiisa ku isticmaala internetka. Sidoo kale waxaa aad muhiim u ah inaad backup ka samaysato xogta muhiimka kuu ah ee ku jirta kombiyuutarkaada si hadii uu ku saameeyo viruskan aad xogtaadii dib ugusoo ceshato.
Waad ku mahadsantahay aqrinta qormadan, haddii ay jiraan talooyin ama tusaale ku saabsan qormadan waa muhiin inaad nagula wadaagto qeybta ra’yiga.

SHARE THIS

Author:

Abdiaziz Ali is a young and challanging web, graphics and logo designer. And Author of some somali tech blogs.

0 comments:

Halkan ku qor ra'yigaada