Previous
Next


About Azuz17

Azuz17 is a Design and Development related blog for Web Designers and Developer’s . We offer free PSD Design Resources, Daily Design Inspirations, Articles,Roundups, Tutorials and the latest Web Trends and Techniques.


Know more click here →

Saturday, November 25, 2017

Maxaadan uga maarmin teleefoonnada casriga ah?

Maxaadan uga maarmin teleefoonnada casriga ah?


TALEEFANNADA CASRIGA AH WAXA AY U SHAQEEYAAN SIDA KOMBIYUUTERRADA SHAQSIGA OO KALE, WAXA AY LEEYIHIIN MASKAX AY WAX KU XISAABIYAAN WAXNA KU KEYDIYAAN. HADDII AAD BOOQATO MEELAHA QAAR DADKU WAXA AY AAD UGU MASHQUULSANYIHIIN TELEEFOONADOODA CASRIGA AH OO QEYB KA AH NOLOSHOODA. MA TILMAAMI KARTAA SABABAHA DADKU AANAY U NOOLAAN KARIN TALEEFOONADA CASRIGA AH LA’AANTOOD?
Haddii aan ka hadlo dalkeena, waxaa jirtay waqti xaafadda aan ku noolaa oo dhan uu yaalay hal taleefoon oo kuwa laaynka ah kaasoo ugu jiray qoys kamida kuwa xaafadda degenaa, dhamaan dadka xaafadda waxay qaraabadooda dibadaha ama gobollada kale ku nool siin jireen lambarka halkaasi taleefoon oo dadka xaafadda oo dhami lagasoo wici jiray. Waxay ahayd dhibaato laakiin aan markaa waxba loo arkin xilliga la joogay. kadib waxaa tartiib tartiib usoo batay taleefoonkii leeynka oo qoysas kale oo xaafadda kamid ahi guryahooda keensaday, marba marka kasii dambeysana waxaa si fududanayay xiriirka dhanka taleefoonnada.
Intaa kadib waxaa so baxay taleefoonnada gacanta kuwo aan casri ahayn hadda, laakiin xilligaasi ugu casrisanaa. marba marka kasii dambeysana waxaa soo baxayay nuucyo ka duwan kuwii hore walow dadka oo dhami aanay wada isticmaali jirin xilligaasi, Sanado kadib haddana waxaa soo baxay taleefoono casri ah oo ka awood iyo shaqo badan kuwii markaasi jiray iyadoo hadda sharikado badan ay ku tartamaan suuqa taleefoonadaasi casriga ah.
Marka aad is tiraahdo iibso teleefoonkii casriga ahaa ee ugu dambeeyay waxaa dhacda inta aanad iibsanba inay soo baxaan dhowr nuucoo cusub oo ka dambeeya kii aad is lahayd iibso isagaa u dambeeyay.
Bulshada aad ku dhex nooshahay marka aad u fiirsato waxaad arkeysaa in teleefoonadda casriga ahi dadku isticmaalaan waqtiyo kala duwan iyagoo u isticmaalaya siyaabo kala duwan, waxaad arkeysaa qof isgoo wax cunaya isticmaalaya telefoonkiisa casriga ah oo isku sawiraya ama muuqaal ka daawanaya, qofna isagoo gaari wada ayuu isticmaalayaa oo ku hadlaya ama adeegsanaya adeegga Maapka si uu u jiheeyo. Laakiin waxa aad ka naxayso ayaa ah marka aad aragto qof sawiraya ama muuqaal ka duubaya dhacdo markaasi uga baahan garab sida meel gubaneysa ama qof shil galay ama waxyaabo kale oo kasii xanuun badan.
Dabeecadda u adeegsiga teleefoonnada casriga ah sida aan habboonayn ayaa ah mid dadka qaar ay aad ugu dhaqmaan, Iyadoo dadka badankood ay u isticmaalaan telefoonnada casriga ah in ay wax u fududeeyaan iyo baahiyo kale.
Waa kuwan qaar kamid ah sababaha muhimka ah ee aadan uga maarmin teleefoonnada casriga ah.
WAXA UU KUU FUDUDEEYAA XIRIIRKA KAALA DHEXEEYA DADKA NOLOSHAADA KU JIRA
Waxaad leedahay Waalid, walaalo, Asxaab, Carruur ama dad kaloo muhiim kuu ah. Waxaa aad muhiim u ah dadkaasi inaad wada xiriirtaan ama iska warqabkiina adinkoo is wacaya, farriimo isu diraya ama kuwada xiriiraya baraha bulshada.

WAXA UU KUU FUDUDEEYAA ADEEGYADA GAADIIDKA
Adigoo jooga gurigaada, goobtaada shaqo ama meel kale ayaad u isticmaali kartaaa inaad ka dalbato tagsi taleefankaada dhexdiisa adigoo isticmaalaya Aplikeeshanno gaar u ah adeega tagsiyada sida UBER. Sidaasi si lamid ah waxaaad ku goosan kartaa tikidhada basaska, tareennada, diyaaradaha iyo maraakiibta ama doomaha intaba.

WAXA UU QAYB WAYN KA QAATAA OO UU KUU FUDUDEEYAA WAXBARASHADA
Taleefannada casriga waxa ay door muhiim ah ka cayaaraan waxbarashada oo ay fududeeyaan dhanka waxbarashada maaddiga ah iyo tan diinigaba. Waxaad ku aqrisan kartaa dhamaan buugaagta ama kutubbada diiniga ah sidoo kale waxaad ku daawan kartaa muuqaallada waxbarashada sidaas si lamid ahna casharrada maqalka ah waad ku dhagaysan kartaa.
Waxaa kaloo jira Ablikeeshanno qaamuus ah oo kuu fududeynaya ereyada cilmigainaad barato micnahooda ama kuwa luqadaha intaba, kuwo wax lagu xisaabiyo ama laga barto shaxannada iyo qaar kaloo badan ayaa jira iyagana kuwaasoo dhamaan sahla waxbarashada.

WAXA UU KUU SAHLAA TUKAAMEYSIGA
Tukaamysigu waa wax uu bani aadamku ka maarmin, noloshiisuna aad ugu tiirsantahay. Teleefoonada casriga ahi waxay qeyb weyn ka qaateen horumarka ah in online lagu tukaamaysto. Iyadooo hadda tukaameysiga ugu badan ee onlineka ahi macaamiishu u isticmaalaan ama wax ka dhex gataan taleefoonnadooda.

WAXA UU KUU FUDUDEEYAA ADEEGYADA BANGIYADA IYO LACAGAHA
Isticmaalka lacagta waraaqda ahi ayaa noqday mid aad usii yaraaday waayadan iyadoo ay sabab u tahay in dadku isticmaalaan adeegyada lacagaha lagu kaydsado ee taleefoonnada (Mobile Money) oo wadamada dunida badankood laga isticmaalo. Tusaale ahaan dalkeena soomaaliya waxa laga isticmaalaa adeegyada EVC-Plus, Zaad, E-Dahab iyo qaar kale.
Waxaa kaloo jirta in adeegyada bangiyada loo isticmaalo online, sida inaad dhaqdhaqaaqa koontooyinkaada aad bangiyada ku leedahay kala socoto, inaad lacago koontiyo kale u wareejiso ama adiga laguugusoo wareejiyo. Howlahaas iyo howlo kale oo ay fududeeyeen bangiyada ayaa taleefannada casriga suuro galiyeen in lagu isticmaalo gudahooda iyadoo la adeegsanayo ablikeeshano loo diyaarayay adeegyadaas.

WAXA UU KUU FUDUDEEYAA INAAD KALA SOCOTO WARARKA
Hay’adaha warbaahinta ayaa iyagana la jaanqaaday horumarka teknoolojiyada oo saameyn ballaaran kuleh shaqadooda. Waxaa aad u fudud hadda inaad wararka ku hesho si sahal ah adigoo isticmaalaya taleefoonkaada casriga ah, waxaad booqan kartaa baraha hay’adaha warbaahinta ay ku leeyihiin internetka sida BBCSOMALI.COM, ama waxaad isticmaali kartaa ablikeeshannada ay leeyihiin hay’adahaasi warbaahinta oo aad ka daalacan karto wararka oo dhan. Maqal, muuqaal iyo qoraal intaba isuguna jira dhinacyo badan oo ay kamid yihiin siyaasadda, dhaqaalaha iyo cayaaraha

WAA UU KU MADADAALIYAA
Waqtiyada aad caajisto oo aanad wax howl ah qabanayn taleefoonkaada casriga ah waad ku madadaalootaa adigoo ku ciyaara game, wax ku daawada ama wax kaloo aad ku madadaalooto ka dhagayta.
Sidoo kale taleefannada casriga ah waxay qabtaan shaqooyin aad u badan oo aanan kor kusoo xusin sida inaad sawirro isaga qaaddo, saacadda kal socoto, xog ku kaydsato, Toosh (ilays) ahaan u isticmaasho, Jiheeye ahaan u isticmaasho iyo waxyaabo kale oo badan.
Marba marka kasii dambeysa nuucyada taleefoonnada casriga ah ee lasoo saaro waxbaa lagusoo kordhiyaa ama wax ay hore u lahaayeen ayaa lasii hormariyaa oo wax laga bedelaa si loo sii hormariyo.
Waad ku mahadsantahay aqrinta qormadan. Haddii ay jiraan waxyaabo kale oo ay fududeeyaan taleefoonnada casriga ah qormadanina aan ku jirin waxaad kusoo qori kartaa qeybta ra’yiga.
10 Sawir oo adigoo qaawan ah Madax furasho ma ugu badalan lahayd xogta Computerkaada hadii lagaa xannibo

10 Sawir oo adigoo qaawan ah Madax furasho ma ugu badalan lahayd xogta Computerkaada hadii lagaa xannibo


Bilowgii sanadkan ayay ahayd markii uu dunida ku faafay viruska lagu magacaabo Wannacry Ransomware, kaasi oo Qatar badan ay kala kulmeen sharikado iyo dad badan.
Viruska Ransomware waa nuuc kamid ah virusyada gala Kombiyuutarrada laakiin wax badan uga duwan nuucyadii hore. Haddii viruska Ransomware uu galo kombiyuutarkaada waxa uu kaa xirayaa dhamaan xogta ku jirta kombiyuutarkaada nuuc waliba ha ahaato isagoo ka dhigaya mid Encrypted ah (Qufulan/xiran). Encryptyptionka waa hab lagu xiro ama lagu ilaashado amaanka macluumaadka iyadoo la xirayo qofna uusan furan Karin ilaa laga siiyo furaha qaaska ah ee loo sameeyay si loogu furto.
Intaa kadib waxa markii uu viruska Ransomware ee laguugu soo weeraray galo kombiyuutarkaada waxaa dhacaysa in aad isticmaali weyso kombiyuutarkaada oo wax waliba waxa ay noqonayaan kuwo xiran, waxaa farriin laguugusoo bandhigayaa shaashada, farriintaasoo ah in aad iska bixiso lacag madax furasho ah si laguu siiyo furihii aad ku furan lahayd xogtaada, lacagtaasi waxaad u diraysaa qofka ama qolada samaysatay viruskan, adigoo isticmaalaya adeega lacagta internetka ee loo yaqaano Bitcoin. Marka la isticmaalayo adeegan lacagta internetka ee Bitcoin lama ogaan karo faahfaahinta qofka loo dirayo sida magaciisa iyo meesha uu joogo waana sababta ay u dalbadaan burcaddaasi in lacagaha madax furashada ahi loogu diro Bitcoin.
Khamiistii aynu soo dhaafnay ayaa cilmibaareyaal lagu magacaabo MalwareHunterTeam Soo heleen virus cusub oo lagu magacaabo nRnsomware. Visruskan cusub ayaa kaga duwan Ransomwareka caadiga ah qaabka madax furashada. Hadii aad dhibbane u noqoto viruskan nRansamoware madax furashadiisu waxa ay tahay inaad u dirto burcadda samaysatay 10 sawir oo adigoo qaawan ah, halka Ransomwareka caadiga ah uu ahaa inaad lacag madax furasho ah ku dirto Bitcoin.
Farriinta shaashada laguugu soo daabacayo ayaa ah mid lagaaga dalbanayo in aad koonto ka samaysato “protonmail dot com” kadibna aad 10 sawir oo adigoo qaawan u ku dirto emailka “1_kill_yourself_1 at protonmail dot com”, marka aad dirto sawirrada kadib waxaa la xaqiijin doonaa sawirrada aad dirtay inaad adiga tahay iyo in kale, haddii aad adiga tahay sawirrada 10ka ah ee adigoo qaawan aad dirtay waxaa laguu soo dirayaa furaha aad ku furan lahayd kmbiyuutarkaada ama xogtaada virusku saameey. Sidoo kale farriinta shaashada laguugu soo bandhigayo waxaa kamid ah sawirrada aad dirtay in lagu iibin dono internetka dhexdiisa.
Viruskan ayaa kuugu soo gudbi kara xog ama software aad kasoo degsatay torrentska oo badanaa ah halka faaylasha ay dadku ka degsadaan loogu dhex qariyo virusyada, sidoo kale wuxuu kuugusoo gudbi karaa inaad kombiyuutarkaada ku shubto software la jabiyay oo aadan lacag ka bixinin taasoo badanaa websiteyada sofweerrada la jabiyay lagasoo dagsado ay la socdaan ama ku dhex qarsanyihiin virusyo.
Xusuusnow muhiim ma aha oo waad ka maarantaa in aad madax furasho lacageed bixiso hadii uu ku saameeyo viruska Ransomware ama nRansomware oo isna madax furasho ugu baahda 10 sawir oo adigoo qaawan ah. Sababtoo ahi hadii xog muhiim ah aanad ka maarmin ay kuugu jirin kombiyuutarkaada ama aad backup ka haysato waad iska format gareyn kartaa.
Farqiga u dhexeeya labadan visus marka lagasoo tago madax furashada ayaa ah in Ransomware loo isticmaalo dadka caadiga ah ee shaqsiyaadka kombiyuutaradooda iyo systemyada sharikadaha iyo hay’adaha waaweyn sidaasna dhaqaale looga qaato, laakiin nRansomware waxa loogu talo galay in shaqsiyaadka kombuutarradooda lagu weeraro.
Ugu dambayn waxaad viruskan isaga ilaalin kartaa in aad ka digtoonaato websiteyada iyo torrentska aad wax kasoo degsato mar walibana waa muhiim inaad isticmaasho anti virus haddii aad tahay qof kombiyuutarkiisa ku isticmaala internetka. Sidoo kale waxaa aad muhiim u ah inaad backup ka samaysato xogta muhiimka kuu ah ee ku jirta kombiyuutarkaada si hadii uu ku saameeyo viruskan aad xogtaadii dib ugusoo ceshato.
Waad ku mahadsantahay aqrinta qormadan, haddii ay jiraan talooyin ama tusaale ku saabsan qormadan waa muhiin inaad nagula wadaagto qeybta ra’yiga.
Google goorma ayay dhalatay?

Google goorma ayay dhalatay?


Bishan aan ku jrno ee Sebteembar waxay ku astaysantahay 19 Guurada kasoo wareegtay dhalashadii Sharikadda aadka caanka uga dhex ah internetka ee Google. Waxay ahayd 1998dii markii mashruuc cilmibaaris ah oo lagu sameeyay jaamacadda Stanford uu noqday Mashiin xogta laga raadsado, iyadoo markii dambe uu Mashruucaasi sii ballaartay oo u noqday ganacsi aad u wayn oo lagu qiimeeyo Balaayiin doolar. Laakiin waxaa jira wareer yar oo ku aaddan dhalashada saxda ah ee sharikadda.
Waqtiyo lasoo dhaafay ayay sharikadda Google u dabaal degtay maalinta taariikhiga ah ee ku astaysan dhalashadeeda taariikhyo kala duwan sida 7da, 8da , 4ta iyo sidoo kale 27ka Bisha Sebteembar. http://www.google.com/doodles/googles-15th-birthday
Waxaa jirta xan ah in labada seynisyahan ee lagu kala magacaabo Larry Page iyo Sergey Brin oo labaduba ah aasaaseyaashii Google in ay sharikadda doonayeen in ay u diiwaan galiyaan si wada jir ah oo ay uwada lahaadaan 4tii Sebteembar 1998dii laakiin taasi ma aysan dhicin oo waxay diiwaan galiyeen saddex maalin kadib. Sidoo kale Magaca domain-ka Google ayaa la sheegaa in markii ugu horreyday la diiwaan galiyay 15kii Sebtember ee isla sanadkaasi..
Si kastaba google ayaa hadda u dabaaldagta dhalashadeeda 27ka Sebteembar. Waxayna sharikadda sheegtay in ay badaleen oo ay saxeen taariikhda dhalashadooda ay u dabaaldegaan si ay u helaan dareenka warbaahinta Kadib tartankii adkaa ee kala dhexeeyay sharikadda Yahoo!.
Aasaaskii sharikadda google ayaa bilowgeedii waxaa xarun u ahayd garaash kiro ah. Hadda Google waa 19jir. Waxay soo martay sharikadda marxalado kala duwan iyadoo dhowr jeer la casriyeeyay astaanta sharikadda. Milkiileyaasha sharkidda ayaa dadaal dheer kadib waxay Google gaarsiiyeen inay noqoto mid kamid ah sharikadaha dunida ugu waaweyn, waxayna awood u leedahay dhaqaale ahaan inay iibsato sharikado kale.
Waxaa is xasuusin mudan maanta Google in aysan ahayn kaliya Search Engine oo ay leedahay ama bixiso adeegyo kale oo fara badan.
Haddii aad halkan soo gaartay waad ku mahadsantahay Akhrinta qormadan. Wixii talo, tusaale ama fikir ah waad ku dari kartaa adigoo nagula wadaagaya qeybta ra’yiga.

Friday, October 28, 2016

4 Kaarar Dhalasho PSD Oo Aad U Qurux Badan

4 Kaarar Dhalasho PSD Oo Aad U Qurux Badan


Waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa 4 kaar dhalasho oo aad u qurux badan si sahlanna aad qoraaladda uga badbadli karto adigoo isticmaalaya photoshop.
Dhamaan waxaad ku dagsan kartaa si bilaash ah (Free) sidaad doonto ayaanad u isticmaali kartaa.

Fadlan hadii aad ka hesho ha iloobin in aad la wadaagto asxaabta daneyneysa.. Mahadsanid!

Kaar Salaaan Dhalasho PSD

Kaar Dhalasho Farxad PSD

Kaar Dhalasho Wacan PSD

Dhalasho Wacan Kaar PSD